DHAGEYSO:Sharciga baaritaanka beeraha Soomaaliya oo la meel mariyay

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa Xildhibaannada golaha Shacabka ugu mahadceliyey ansixinta Sharciga adeegyada baaritaanka Beeraha Soomaaliya.
Wasiirka Beeraha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu Muhiimadda weyn dalka Soomaaliya u leeyahay Sharciga Adeegga Baaritaanka beeraha Soomaaliya isgoo tilmaamay inuu Horseedi doono in dhamaan cunnooyinka Soomaaliya ay noqdaan kuwo bad qaba.

Xildhibaan Cabdinaasir Saciid Muuse oo ka tirsan baarlamaankanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Sharcigaan adeegga Baaritaanka Beeraha Soomaaliya uu muhiim u yahay amniga guud ee dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa isna ka mid ah Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa Tilmaamay in Sharciga adeegyada baaritaanka Beeraha Soomaaliya baahi weyn loo qabay ayna Bogaadinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here