DHAGEYSO:Shariif sh Axmed oo si kulul uga hadlay dagaal beeleedyo iyo kufsi ka dhacay Soomaaliya

Madaxweynihi hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ahdna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaallada sokeeye ee ka soo cusboonaaday gobollada Galgaduud, Baay, Sh/hoose iyo Jubada Hoose iyo kufsi caruur aad u yar yar loogu gaystay shabeelada Hoose iyo Galgaduud.
Shariif Sh Axmed madaxeynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee wada deggan inay ka waantoobaan dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee maalmihii dambe lagu arkayay baraha bulshada oo dad la gubay ay ka muuqdeen.
Waxa uu sidoo kale aad u cambaareeyey falkii kufsiga ahaa ee carruur seddex iyo afar jir ah loogu geystay degmada Afgooye, gaba gabadii wuxuu ku aadan halista cudurka Coronavirus iyo muhiimadda ay leedahay in la qaato talooyinka dhaqaatiirta u jeediyay bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here