DHAGEYSO:Sheekh Shaakir: Dowladda Galmudug Shabaab ayay u soo wadaa mana aqbaleyno

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Shaakir ayaa dowladda federaalka soomaaliya ku eedeyay inay si qaldan u waddo dhismaha Maamulka Galmudug,isla markaana eedaha ugu badan ay uga imaanayaan qaabka loo soo xulay Xildhibaannada.
Xilli uu u warramayay laanta af-soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in qaabka Xildhibaannada lagu soo xulay ay qeyb ka aheyd in Xildhibaannada laga ilaaliyo kuwa xiriir la leh Ahlusunna Wal-Jamaaca,taasina ay tahay in waxa kaliya ee Ahlusunna xiriirka kala dhaxeyn ay yihiin Al-Shabaab.
Waxaa uu soo hadal qaaday Sheekh Shaakir in khilaafkii soo kala dhex-galay Ahlusunna iyo Madaxweyne Xaaf ay mas’uul ka ahayd dowladda Federaalka oo uu sheegay in Maamulo ay wadato ay dhiseyso.

Doorashada Maamulka Galmudug ayaa waxaa xilligaan hareeyey khilaaf xoogan,waxaana hoggaanka Ahlusunna ay sheegeen inay dhisayaan Maamul Cusub halka isla Dhuusamareeb ay ka socdaan howlo lagu shisayo Galmudug,sidoo kale madaxweyne Xaaf uu Gaalkacyo ka wado howlo doorashooyin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here