DHAGEYSO:Sheekh Shariif oo sheegay in Suuqa lagu iibsanayo Qalabkii loogu talo galay COVID-19

Madaxweynihii hore ee Dowladii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynihii hore ee Dowladii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrimaha Cudurka Coronavirus oo kiisas ka mid ah laga helay dalka soomaaliya .
Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay mid halis ah,hayeeshee dadka aysan aheyn kuwo ka feejigan.
Waxaa uu soo hadal qaaday Qalabka lagula tacaalo Cudurka oo dowladda Soomaaliya ay dowlado kala duwan ugu deeqeen,waxaana uu sheegay in sidii loogu talo galay aan loo isticmaalin,isla markaana qaarkood Suuqa lagu kala iibsaday.
Waxaa uu ugu dambeyn ku baaqay Sheekh Shariif in isbitaalo gaar ah loo sameeyo la tacaalida Cudurka COVID-19,waxaana sidoo kale uu Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ka codsaday in aysan ka fikirin Dhaqaalo balse ay dadkooda badbaadiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here