DHAGEYSO:Sheekh Shariif Sh Axmad oo toddobaadkaan markii labaad Jowhar gaaray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.
Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa qeyb ka ahaa waxgarad ka soo jeeda Gobolka Hiiraan & Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa Wafdiga kusoo dhaweeyay Xubno ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle hadana ah Musharax Madaxweyne.
Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle ahna Musharax Madaxweyne Cali guudlaawe ayaa Soo dhaweeyay Wafdiga madaxweynihii hore Soomaaliya wuxuuna faahfaahin ka bixiyay Xaaladaha la xiriira doorashada maamulka Hirshabeelle.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa isna halkaas warbahainta kula hadlay wuxuuna sheegay inay Ahmiyad weyn leedahay in la dhiso maamulka Hirshabeelle ayadoo dhamaan dhinacyadu ku wada Qanacsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here