DHAGEYSO:Shir-ka Garsoorka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka furmay shir Sannadeedka Garsoorka Soomaaloya oo sanadkii labaad muddo 30 sanno ah ka dib la qabanaayo,waxaana uu socon doonaa shirkaan muddoo laba Cisho ah.
Shirka waxaa ka qayb gali doona guud ahaan laamaha garsoorka ee heer federaal iyo Heer maamul goboleed,Wasiiradaha Cadaaladda Dowladda & Dowlad Goboleedyada,iyadoo looga hadlayo arrimo la xiriira Garsoorka dalka Soomaaliya iyo sidii loo tayeyn lahaa.
Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadli doonaa caqabadaha heysta Garsoorka Soomaaliya,waxyaabihii ka hirgalay balan qaadkii Shirkii sanadkii hore la qabtay iyo sidii si huufan loogu Shaqeyn lahaa Shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh C/raxmaan ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka Soomaaliya haysta ay ka mid yihiin Hay’adihii garsoorka oo aan dhisnayn.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Axmed Yusuf ayaa dhankiisa xusay in Go’aamada Maxkamada oo aan la fulin ay ka mid yihiin Caqabadaha Jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here