DHAGEYSO:Shir ku saabsan amniga oo ka furmay Garissa

Magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari ayaa waxaa maanta ka furmay shir uu soo qabanqaabiyay barasaabka dowlad deegaankaas Cali Bunow Qorane.
Waxaa kulanka diiradda lagu saaaraya arrimaha nabadgaliyada iyo la dagaalanka argagixisada.
Kulanka ayaa la filayaa inay ka soo baxaan qodobbo dhaqangelintooda ay xal u noqon karto falalka amniga liddi ku ah ee dhawaan saameeyay qeybo ka mid ah dowlad deegaankaas.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa tuulooyinka Kamuudeey ee Fafi iyo Sareedo oo ka tirsan Dadaab lagu dilay 7 qof oo isugu jiro afar arday iyo saddex macallin.
Bayaan uu saxiixay xoghayaha dowlad deegaanka Garissa Cabdi Muxumad Cali ayaa lagu sheegay in dhacdooyinka argagixisada la xiriira inay saameyn ku yeesheen waxbarashada, caafimaadka iyo isgaarsiinta.
Waxaa shirka ka qeyb galaya ugu yaraan 200 oo wufuud ah oo matalaya culimaauddiinka, hoggaamiyaasha siyaasadeed , guddiyada ammaanka , maamullada aan dowliga ahayn , dhalinyarada, haweenka iyo dadka naafada ah.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dowladda ismaamulka Garissa ay taageero u fidisay qoysaska saddexdii macallin ee lagu dilay Kamuudeey
Waxay ugu deeqday lacag dhan 600,000 si loogu adeegsado qarashaadka soo qaadidda meydadka iyo aaska.
Wariyahayaga Garissa Cabdisamad Muxumad Cabdi ayaa goor dhow khadka taleefoonka ugu warramay Mowlid Maxamad Shuuriye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here