DHAGEYSO:Shirka Dhuusamareeb oo furmay iyo labo maamul goboleed oo ka Maqan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo xalay si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Shirkaan ayaa waxaa ka maqan maamulada Puntland iyo Jubbaland oo sheegay qodobo ay doonayaan in laga qanciyo si ay kaga qayb galaan shirka.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariyey oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Maamul Goboleed ee ka soo qeyb galay shirkan sida ay u dhowreen wakhtigii horey loogu qorsheeyey furitaanka shirka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga soo dhalaaleen masuuliyadda ka saarnayd in la sii amba-qaado qodobadii ka soo baxay Shirkii horey loogu qabtay Dhuusamareeb Bishii Luuliyo ee sanadkan.
Wuxuu sheegay in furitaanka Shirkii Dhuusamareeb 3 la isala falanqeynayo qorshaha ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Doorashada, iyadoo Madaxda Madasha ku sugan ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha maaGalmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ugu baaqay Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland inay kasoo qeyb galaan Shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor oo ay ka muuqatay inuu quus ka taagan yahay Madaxda labada maamul ayaa sheegay inuu socon doono Shirka Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay kasoo bixi doonaan go’aamo loo dhan yahay.
Qoorqoor ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay ilaaliyaan heshiiskii lagu gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa uu xusay in maamulkisa ay ka go’an tahay in Madaxda ka maqan shirka lagu soo daro si loo xaliyo tabashooyinka ay qabaan.

Madaxda ayaa iska xogwareystay sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka.
Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here