DHAGEYSO:Shirka hormarinta afka hooyo oo Muqdisho laga furay

Xarunta akadeemiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga furay Shirka Horumarinta Af-Soomaaliga.
Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay aqoonyahano Soomaaliyeed,Maamulka Gobolka Banaadir iyo dhinacyada kala duwan ee Bulshada waxayna dhamaan dadkii goobta ka hadlay isku raaceen in loo wada istaago hormarinta afka hooyo ee Soomaaliga.
Aqoonyahanada ayaa Masuuliyiinta dowladsa ugu baaqay inay ka qayb qaataan hormarinta afka Soomaaliga sidoo kalena xafiisyada laga hirgaliyo.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada ee dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda waxay balan qaadeen inay dowladdu kaalinteeda soo buuxin doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here