DHAGEYSO:Shirka wada Tashiga Tamarta Soomaaliya oo Baydhabo laga furay.

Madaxwenaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed C/casiis Xassan maxamed Lafta Gareen ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka wadatashiga Tamarta dalka Soomaaliya kaasoo loga hadlayay khayraadka dalka iyo sidii looga Faa’iidan lahaa.
Wasiirada wasaarada Tamarta dowlada Fedraalka Soomaaliya Fawsiya Maxamed Sh ayaa sheegtay in muhiimada shirkaan ay tahay sidii dowlada dhexe iyo kuwa gobolada ay wadtashiyo u yeelan lahaayeen sidoo kalena afkaarta kala duwan loo midayn lahaa.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo gudoomiyaha Baarlamaanka isla maamulkaas ayaa dhankooda sheegay inuu shirkaan wax badan ku soo kordhinayo arimaha korontada dalka Soomaaliya sidoo kalena uuq ayb ka qaadanayo xoraynta deegaanada wali AL-shabaab haystaan hadii lagu guulaysto.

 

Wasiirka Tamarta ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Imaan Cali Cabdi isna sharaxaya ahmiyada shirkaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here