DHAGEYSO:Shirkadda Safaricom iyo hay’adda ActionAid oo mashruuc dhanka biyaha ka sameeyay Makueni

Ku dhawaad 20,000 oo qof oo ku nool tuulooyinka Kitise iyo Makumeni ee ismaamulka Makueni ayaa heli doono biyo ku filan kaddib mashruuc ay dowlad deegaankaasi si wadajir ah uga fuliyeen shirkadda Safaricom Foundation iyo hay’adda ActionAid.
Barnaamijkan oo lagu qarash gelinayo dhaqaale gaaraya 25 milyan oo shilin ayaa soo bilowday bishii 12-aad ee sannadkii 2016-kii.
Ilaa 8 ka mid ah xarumaha waxbarashada iyo suuqyo dhan 6 ayaa loo sameynayaa xariirinta biyo nadiif ah oo la isku haleyn karo.
Fulinta mashruucan ayaa looga go leeyahay in looga hor tago cudurada la’aanta ama biyo yarida ka dhashay ee salka ku hayo nadaafad darrada.
Sido kale waxaa la filayaa in barnaamijkan uu xal u noqdo caqabadda dhanka cuno yarida .
Dadka ku nool tuulooyinkaasi gaar ahaan carruurta ay da’dooda ka hooseyso 5 sano ayaa horay u wajahayay dhibaatooyin dhinaca helidda biyaha.
Guddoomiyaha laanta shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom u qaabilsan fulinta mashaariicda horumarineed ee Safaricom Foundation Mr. Joseph Ogutu ayaa sheegay inay adeegsanayaan qorsho istaraatiiji ah oo loogu talagalay muddo saddex sano ah.
Waxay shirkaddan iyo hay’adda ActionAid diiradda saarayaan horumarinta dhaqaale ee bulshada , waxbarashada , caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka iyo biyaha.
Tuulooyinkaasi ayaa laga qoday ceel biyood dhowr ah iyadoo la sameeyay goob loogu talagalay in biyaha daawooyin lagu nadiifinayo lagu daro ka hor inta aan la siidaynin halka suuqyada laga dhisay xarumo ay shacabka biyaha ku iibsan karaan qiimo ay awoodaan.
Mr. Joseph ayaa sheegay inay u riyaaqeen qaabka hay’adda ActionAid ay u fulisay mashruuca loo xilsaaray iyo wada shaqeynta ay ka heleen dowladda ismaamulka Makueni.
Mas’uulka hay’adda ActionAid u qaabilsan ismaamulada Makueni, Garissa, Kajiado iyo Embu oo mashruuca ay fulinayaan iyo faaiidooyinka uu shacabka u leeyahay ka hadlay ayaa yiri

 

Mid ka mid ah hooyooyinka tuulada Kitise ayaa faahfaahisay dhibaatooyinkii ay ku qabeen helitaanka biyaha iyo waxa uu uga dhiganyahay mashruuca la fuliyay

 

Shirkadda Safaricom Foundation ayaa in ka badan 14 sano ugu yaraan 100 milyan ku bixisay 16 mashaariic oo dhanka biyaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here