DHAGEYSO:Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo Garowe ka furmay

Magaalada Garoowe ee Xrunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta ka Furmay Shirka wadatashiga Maamulka Puntland, oo ay ka qeyb gelayaan in ka badan 460 ergo oo ka kala yimid Gudihiisa iyo dibada.
Shirkan oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Wasiirada & Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya Deegaanada Puntland,inta badan mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, Madaxweynayaashii hore ee maamulkaasi soo Maray,Odayaal, Waxgarad iyo dad kale oo lagu Casuumey.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo la xiriira aayaha Maamulka Puntland,khilaafka Dowladda iyo Maamulka Puntland u dhaxeeya iyo jihooyinka siyaasadeed ee la aadayo maadaama dalka Soomaaliya uu galayo xilli kala guur ah.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa shirka khudbad ka jeediyay wuxuuna ka hadlay sabababa shirkan uu u iclaamiyey 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkaan,Hormarka ay Puntland gaadhay mudadii 22 sano ahayd oo ay jirtay iyo waxayaabo kale oo ay tahay in shirkana lagu saxo.

Dhanka kale Madaxweyne Dani wuxuu Khudbadiisa ku soo hadal qaaday inay jiraan caqabado badan oo mudadaas ka jiray deegaanada Puntland wuxuuna mid mid u dul istaagay dhibaatooyinkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhinaca kale Puntland ay Kaalin Muhiim ah ka soo qaadatay dhismaha iyo hormarinta Haayadaha dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin khilaafka dowladda Federaalka & Maamulka Puntland oo aan weli xal laga gaarin.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Puntland ay xooga saartey in xal laga gaaro khilaafkaas iyo xal loo helo caqabadaha goonida u ah Puntland,hayeeshee qorshahaas uu fashilmey ayna mas’uul ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalkiisa u dhigay isagoo eedaymo dhowr ah u jeediyay Madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Deni Isagoo kasii hadalayay xiriirka sii xumaanaya ee weli u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka & Maamulka Puntland ayuu sheegay in Puntland ay dib u eegeyso xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka,isla markaana aysan ogolaaneyn sida uu hadalkiisa u dhigay in dolwaddu ka leexato Mabaadii’dii lagu asaasay dawladda Faderaalka markhaatina ay ka noqdaan wxyaabaha dhacaya.
Tan iyo markii uu bilaawdey khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Maamulka puntland ayaa Madaxweynaha Maamulkaasi,wuxuu eedeyn u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,hayeeshee aysan jirin Madaxda dowlada dhexe wax si rasmi ah ugu jawaabtey.
Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana Magaalada lagu arkayay Ciidamada Puntland oo ammaanka si weyn u xaqijinaya sidoo kalena waxaa yar isku socodka gaadiidka iyo dadka,iyadoo ay xiran yihiin Goobaha Waxbarashada ee Magaalada Garowe.
Dhanka kale Shacabka ku nool Magaalada garowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa aragtidooda ka dhiibtay shirkaan Maanta K furmay magaalada garowe waxayna sheegeen inuu dadka deegaanka muhiimada weyn u leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here