DHAGEYSO:Siyaasiyiin sheegay inaan Ruto hoggaanka dalka laga hor istaagi karin

Qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee dalka ee xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay inaan marnaba lagu guulaysan doonin iskuday kasta oo looga gol leeyahay in Ruto uunan qaban talada wadanka ugu sarreysa.
Xilli ay ku sugnaayeen ismaamulka Nakuru ayay siyaasiyiintan oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee beeraha Mwangi Kiunjuri carrabka ku dhufteen in William Ruto uu dalka hoggaamin doono.
Mr. Kiunjuri ayaa wacad ku maray inuu madaxa xisbiga ee ODM, Raila Odinga ka hor istaagi doono inuu madaxweyne noqdo.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in si Raila uu hoggaanka ula wareego laga doonayo inuu joojiyo arrimaha BBI oo ay sheegayaan inaynan kalsooni ku qabin

Dhanka kale madaxda xisbiga ANC, Muslia Mudavadi ayaa baarlamaanka dalka ka dalbanaya inuu miisaaniyad u qoondeeyo aftida lagu raja weyn yahay in dalka ay ka dhacdo si dastuurka hadda la isticmaalo wax looga beddelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here