DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Busia oo dhaliilay wasaaradda caafimaadka

Madaxda wasaaradda caafimaadka

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka Malaba ee ismaamulka Busia ayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe u soo jeediyay inuu soo afjaro shirarka jaraaid ee uu maalin kasta kaga hadlo xaaladaha coronavirus.
Waxay ugu baaqeen inuu diiradda saaro sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta wadayaasha baabuurta xamuulka ee u safro dhanka wadanka Kenya dariska la ah ee Uganda.
Madaxdan ayaa sheegaya in xadka Malaba iyo Uganda uunan lahayn goob si buuxda loogu sameyn karo baaritaannada cudurka covid-19 .
Sido kale waxay doonayaan in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Uganda Yoweri Museveni ay ka wada hadlaan caqabadda dhanka gaadiidka ah ee halkaas ka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here