DHAGEYSO:Siyaasiyiinta haweenka ee Inua Mama oo ka soo horjeestay warbixinta BBI

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta haweenka ee dalka oo loo yaqaano Inua Mama ayaa ka soo horjeestay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxay doonayaan in dib u eegis lagu sameeyo si haweenka ay u helaan matalaad buuxda oo dhanka hoggaanka ah.
Waxay tusaale u soo qaateen soo jeedinta ah in barasaabka ismaamulka iyo ku xigeenkiisa aysan hal jinsiyad ah ka soo wada jeedi Karin.
Mas’uuliyiintan ayaa qabo in soo jeedintan laga dhigo mid Khasab ah si aan haweenka doonaya inay xilalka hoggaanka ka qabtaan ismaamullada aan dhinac loogu riixin.
Dhanka kale wadayaasha baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ee ismaamulka Nakuru ayaa maanta sameeyay bannaan bax nabdoon oo ay ku taagerayaan warbixinta BBI

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here