DHAGEYSO:Siyaasiyiinta taabacsan ku xigeenka madaxweynaha oo diiddan warbixinta BBI

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta taabacsan ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo isugu jiro rag iyo haween ayaa dhaliilay guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta Kenyaanka ee BBI oo la filayo in dhawaan uu warbixin soo saaro.
Waxay sheegeen inay dareemayaan in warbixintaasi ay ka faaiidi doonaan shakhsiyaad gaar ah sidaasi awgeedna aynan soo dhaweynayn. .
Xilli ay ku suganayeen ismaamulka Nandi ayaa wacad ku mareen inaynan garab siin doonin warbixinta BBI oo ay xuseen inay horseedayso in la ballaariyo golaha fulinta taasina ay culeys ku tahay canshuur bixiyaha.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo kulan la qaatay hoggaamiyaasha gobolka bartamaha dalka uu ugu baaqay inay taageeraan guddiga BBI iyo isbeddelada la filayo inuu shacabka la wadaago.
Guddigan oo siyaabo kala duwan looga hadlay ayaa la soo magacaabay kaddib markii 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore ay kulan taariikh ah yeesheen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga.
Labadan mas’uul ayaa ku heshiiyay in la soo aruuriyo aragtida dadweynaha oo wax laga weydiinayo ilaa 9 qodob sida la tacaalidda musuqmaasuqa, xal u helidda doorashooyinka lagu kala qeybsamo, mideynta dadweynaha iyo arrimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here