DHAGEYSO:Siyaasiyiinta taabacsan madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka hadlay warbixinta BBI

Siyaasiyiinta xulafada la ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay ka qeyb geli doonaan dhammaan kulamada lagu qabanayo qeybaha kala duwan ee wadanka ee Kenyaanka lagu wacyigelinayo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ,Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in maalinka sabtida ay ka qeyb geli doonaan isku soo bax ka dhacaya Mombasa.
Hoggaamiyaal ka tirsan baarlamaanka iyo aqalka sare oo uu Murkomen hor kacaya ayaa dhaliilay in lacagaha dadweynaha loo adeegsado shirarka warbixinta BBI iyadoo miisaaniyad gaar ah uunan baarlamaanka u qoondeyn.
Sido kale waxay sheegen in shirar maalmo ka hor lagu qabtay ismaamullada Kisii iyo Kakamega siyaasad loo adeegsaday oo ayna u muuqdeen in mas’uul gaar ah lagu bartilmaameedsanayay.
Waxay siyaasiyiintan carrabka ku adkeeyeen in ujeedada laga leeyahay warbixinta BBI ay tahay mideynta shacabka sidaas awgeed la doonayo in laga fogaado wax kasta oo kala qeybsanaan keeni karo.
Sido kale waxay ku taliyeen in kulan kasta oo la qabto diiradda lagu saaro arrimaha ay dani ugu jirto dadweynaha sida kobcinta dhaqaalaha iyo dhinaca wax soo saarkooda uu ku tiirsan yahay.
Murkomen ayaa xusay inay muddo hal toddobaad gudaheed ah kulan qaban doonaan.
Wuxuu laamaha ammaanka ugu baaqay inay si weyn u sugaan amniga goobaha isku soo baxyada lagu qabanaya sido kalena la joogo xilligii la isugu dulqaadan lahaa kala duwanaanshaha dhanka aragtida siyaasadeed.
Xildhibaanka deegaanka bariga Mumias Benjamin Washiali ayaa hoosta ka xarriiqay inaynan ka soo horjeedin BBI balse ay qasab tahay in lacagaha loo adeegsanaya isku soo baxyada loogu ololeynaya ay noqdaan kuwo baarlamaanka dalka ama golayaasha ismaamullada ay miisaaniyad u qoondeeyeen si hantida dadweynaha aan loogu takriifalin

Mudanaha ayaa sido kale taagerayaashooda iyo dhammaan Kenyaanka ugu baaqay inay maalinka sabtida ah ka soo qeyb galaan kulanka Mombasa si ay wax uga ogaadaan BBI

Waxaa uu dhanka kale xusay in Mombasa ay ku soo hadal qaadi doonaan waxyaabaha bulshadu ay ku tiirsan tahay dhaqaale ahaan sida ganacsiga gaadiidka iyo kallumeysiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here