DHAGEYSO:Soomaalida gobolka Ohio oo dadaal ugu jirta inay helaan Kursi gobolkaas ka tirsan

Maxamuud Jaamac oo ah Mawaadin Soomaali ah oo u tartamaya kursiga xildhibaanimo ee deegaan ka tirsan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay rajada uu ka qabo inuu ku guulaysto kursigaan isagaan uu xusay inuu yahay mid aad muhiim u ah.
Sidoo kale Jaaliyada Soomaalida ee dalka Maraykanka ayuu ka Codsaday inay siyaan ugu soo baxaan Doorashada Xiliga Dhexe dalka Maraykanka ayna Codkooda Siiyaan.

Qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee Ku Nool dalka Maraykanka oo codadkooda dhiibanayay ayaa dhankooda sheegay inay doonayaan inankaan Soomaaliga ah inuu ku soo baxo Kursigaan waxayna dhamaan Bulshada Soomaalida ah ka codsadeen inay Si weyn ugu soo Baxaan Codaynta.

Dhanka kale Soomaalida Ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa Munnaasabad ballaaran oo lagu taageereyey Hooyo Soomaaliyeed oo Caruurteeda laga qaatay halkaas ku qabtay
Hooyo Naciimo Khaliif waxaa laga qaatay ilaa lex caruur ah oo ay dhashay Soomaalida ayaana u muujiyay Garab istaag sidoo kale dhaqaale ayay u aruuriyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here