DHAGEYSO:Soomaalida Koonfur Africa o Saamayn Ganacsi uu ku yeeshay Cudurka Covid 19

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa ka cabanaysa saameyn weyn oo uu ku sheegay bandawgii ka dhashay cudurka Covid-19 ee aduunka dhan Saamaynta weyn ku yeeshay.
Mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka koonfur Africa ayaa sheegay inay xitaa badalay waxyaabihii ay qaxwadu ka mid ahayd oo gadi jiray markii hore maadaama hada aysan jirin cid soo fariisanaysa Maqaayadiisa oo qaxwada ka cabaysa.

Dhanka kale Kulan looga hadlayey u diyaar garowga Maalmaha Xoriyadda Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa lagu qabtay xarunta Dhalinyarada ee Gobolka Banaadir.
Kulanka oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha Wasxyaha kala duwan ee Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa gebagebadii waxaa laga soo saaray 15-ka xubnood ee soo diyaarinta Munaasabadaha Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya oo ku beegan inta u dhexeysa 26-ka June iyo 1-da Luulyo ee Sanadkasta.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta diyaar garowgii balaadhan oo ku aadan todobaadka Xurriyada oo maalmo kaliya inaga xigaan,iyadoo la filayo in la qabto munaasabado kooban sabao la xiriira cudurka COVID-19 ee Saamaynta ku yeeshay dalka Soomaaliya iyo guud ahaan wadamada kale ee Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here