DHAGEYSO:Soomaalida Sacuudiga oo bogaadiyay qorshah lagu soo daad guriyeeyay muwaadiniinta Soomaalida ah

Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ilaa dhamaadkii todobaadkii hore waxay dalka Sacuudiga ka soo daad guraysay boqolaal Soomaali ah oo qaarkood halkaas ku xayirmeen markii uu bilowda Cudurka Corona halka kuwo kalena ay Xabsiyada dalka Mudo dheer ku jireen.
Waxay dowlada Soomaaliya Sacaadiga ka soo kala qaaday Shan Diyaaradood uu tii ugu danbnaysay Xalay tagtay magaalada Muqdisho kuwaasoo ay la socdeen boqolaal muwaadiniin ah oo qaarkood mudo Sanooyinka Xabsi ku soo qaatay dalkoodana mudo dheer ka maqnaa.
Qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah oo ku nool wadanka Sacuudiga ayaa bogaadiyay Talaabada ay dowlada Soomaaliya ku soo daadguraysau muwaadiniinteeda Sacuudiga ku dhibaataysnaa waxayna sidoo kale u mahadceliyeen dowlada Sacuudiga oo fududaysay sidii ay dadkaasi dalkooda Hooyo dib ugu noqon lahaayeen.

Dhanka kale sida ay baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya qaarkood ku dhow 20 tahriibayaal Soomaali ah oo dhamaantood dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu xiray Xuduuda Masar ay la wadaagto dalka libya,kuwaasoo isku dayay inay si sharci darro ah ku galaan dalkaasi Masar.
Tahriibayaasha soomaalida ah oo gaarayay 19 Ruux ayaa markii hore waxaay si sharci darro ah uga tageen dalka suudaan,waxaana iyaga iyo muqalisiin la socotay gacanta ku dhigay Ciidamada ilaalada Xaduudaha ee dalka Masar.
Maxamed Aaadan Gaas oo kamid ah Soomaalida ku nool Masar ayaa warbaahinta u sheegay in lagu xiray dhalinayaradaas oo dhamaantood ah rag Sadhiga Ciidamada Amniga ku leeyihiin gobolka Aswaan ee dalkaasi Masar,isla markaana xaaladooda ay wanaagsan tahay hada.
Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in Soomaalida ku nool dalka Masar iyo Safaarada Soomaaliya ee wadankaasi ay ka gaabiyeen inay dadaal ku bixiyaan in dadkaasi la siidaayo sida uu hadalkiisa u dhigay.
Labadii sano ee ugu dambeeysay waxaa aad u yaraaday muhaajirinta Soomaaliyeed ee sida aadka ah u geli jiray dalka Masar,kadib markii dowladda dalkaasi ay joojisay dadka tahriibayasha ah ee wadankeeda sii maraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here