DHAGEYSO:Soomaaliland oo ka hadashay dagaal ka dhacay gobolka Sanaag.

Kadib markii Shalay Gelinkii dambe uu deegaanka Hataaftimo oo hoostaga Magalada Badhan ee Gobolka Sanaag dagaal ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Puntland & Soomaaliland,ayaa waxaa dagaalkaas ka hadlay masuuliyiinta Soomaaliland.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in dagaalkaas uu yimid kadib markii sarkaal ka tirsan Puntland ciidamo uu wato ay weerar kusoo qaaday Guddoomiyaha Magalada Badhan sida uu hadalkiisa ku sheegay isagoo sheegay inaysan aqbalaynin waxa uu ku tilmaamay xad gudub lagu soo qaado deegaanada Soomaaliland.

 

Horay ayaa deegaano iyo demooyin ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag waxay dagaalo ku dhexmareen Ciidamao kala taabacsan Soomaliland iyo Puntland wallow bilihii u dambeysay xaalada Gobolada Sool iyo Sanaag ay deganayd oo aysan jirin wax iska hor imaad ah oo halkaas dhinacyada ku dhex maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here