DHAGEYSO:Soomaaliland oo ka hadashay Diyaarad Hawada Soomaaliya shalay laga Celiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya Shalay waxaay ay Hawada ka celisay Diyaarad siday qaad badan oo dooneyay inay ku degtao Magaalada Hargeysa sida la sheegay kana timid dalkani Kenya,waxaana tallaabadaasi ka hadlay Masuuliyiinta Soomaaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in arrintaasi ay jirto,isla markaana dowladda Soomaaliya ay ku kacday fal uu sheegay in uu qeyb ka yahay waxa uu ku Tilmaamay dagaal ay kula jirto Soomaaliland.
Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in Arrimaha looga hadlay shirkii Jabuuti ay qayb ka aheyd in hawada Soomaaliya la wada maamulo,isla markaana tallaabada ay shalay qaaday Dowladda Soomaaliya ay wax u dhimi karto heshiisyadii ay horay u wada gaareen labada dhinac.

Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada weli kama hadlin tallaabada ay ku joojisay diyaaradaas,hayeeshee ay xusid mudan tahay in weli dowladda Soomaaliya aysan furin duulimaadyada Caalamiga ah balse Maanta dib loo bilaabay.
ku dhawaad boqol Cisho oo ay xirnaayeen duulimaadyada gudaha dalka Soomaaliya ka dib saameyntii cudurka safmarka ah ee Covid19 oo yaraatay darteeda ayaa saakay si rasmi ah dib loogu furay.
munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha garoonka Adan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu maamuusay dib u furka garoonka iyadoo ay goob Joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Maareeyaha hay,adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali ay jirto halista cudurka Karoona Feyrus.
Golaha Wasiirka xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee Khamiislaha ah ku ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo horay loogu hakiyay si loo yareeyo faafitaanka cudurka covid19.
Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii bisha sedexaad ee sanadkaan 2020 hakisay duulimaadyada gudaha sabab la xariiira cudurka safmarka ah ee Covid19 oo xiligaas si aad ah bulshada ugu dhex faafayay wallow hada tirade Maalin laha ah ee Soomaaliya ay aad hoos ugu dhacday marka loo fiiriyo bilowgii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here