DHAGEYSO:Soomaaliland oo sharuudo ku xirtay wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Masuuliyiinta Maamulka Soomaaliland ayaa war ka soo saaray wada-hadallda Dowladda Fedraalka Soomaaliya ay wado in dib loola bilaabo Soomaaliland,kuwaasoo shirar horudhac u ah lagu qabtay Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga u qaabilsan Somaliland wadahadalka dowladda Soomaaliya Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in madaxwaynaha Soomaaliya uu bur buriyay heshiisyadii horay ay u wada galeen labada dhinac ayna dhankooda doonayaan in waxyaabihii horay loogu Heshiiyay la soo bandhigo si Wajiga kale ee wada hadalka loo guda Galo.
Adna Adan ayaa sheegtay in madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/lahai Farmajao muddo sadex sano ah wada-hadalkii socday ee ay soo bilaabeen Madaxdii ka horeysay uusan dib u fiirin balse hadda uu doonayo inuu dib u soo bilaabo wada-hadalo cusub oo aysan ku xusnayn qodobo markii hore la isla Meel dhigay oo ay ka mid tahay in Madaarka Diyaarahada Magaalada Hargaysa Maamulkiisa lagu soo wareejiyo Soomaaliland.
Gudoomiyaha gudiga Soomaaliland u qaabilsan wahada hadalada dowlada dhexe ee Soomaaliya Adna Adan Waxaay shuruud kaga dhigtay inay dib u bilaawdaan wada-hadallada Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka in dadka Wakiil ka noqonaya Dowladda Federaalka aysan noqon kuwo sida ay hadalkeeda u dhigtay dambi horey uga galay Soomaaliland.

 

Wada-hadallada Soomaaliland iyo Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxaay hakad ku jiraan tan iyo sanadkii 2014, iyadoo dhowr mar ay fashilmeen kulamo la doonayey in dib loogu bilaabo wada hadaladaasi,madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaana dhawaan soo magacaabay gudiga wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland kuwaasoo kulamo wada tashiyo ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here