DHAGEYSO:Soomaaliland oo soo saartay amaro ku aadan Maalmaha Ciida

Masuuliyeenta Soomaaliland ayaa markale soo saartay Go’aamo Cusub oo ku saabsan Maalmaha ciida,kuwaasoo ay sheegeen in looga hortagayo faafinta Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay deegaanada Soomaaliland.
Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in la joojiyey isku socodka Gaadiidka dadweynaha Magaalooyinka Soomalailand iyo isku imaatinka la xiriira damaashaadka Ciida ee dadweynaha.
Wuxuu intaasi ku daray in marnaba aan la ogolaan doonin Xafladaha iyo casuumadaha Hoteelada lagu qabto,go’aamadaas dhamaantoodna ay yihiin kuwo looga hortagayo faafitaanka Cudurka COVID-19.

Soomaaliland ayaa waxaay kamid tahay deegaannada Soomaaliya ee laga helay Cudurka Coronavirus kiisas kamid ah,waxaana ilaa iyo hadda Soomaaliland laga diiwaangeliyay 131 Xaladood halka 11 Ruux ay u geeriyoodeen xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here