DHAGEYSO:Soomaaliland oo Xaalado xaqiijisay

Waaxda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus, oo baaritaano lagu sameeyey kadib qaarkood laga helay Cudurka halka dad kalena ay u geeriyoodeen Xanuunka.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 18 qof oo kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo kala jooga Magaalooyinka, Hargeysa,Burco iyo Berbera,isla markaana ay ku jiraan xaalad karantiil ah.
Sidoo kale Guddiga sheegay in laba Ruux oo horleh oo ku sugnaa Magaalada hargeysa ay Cudurka u dhinteen taasoo dadka deegaannada Soomaaliland ugu dhintay COVID-19 ka dhigeysa 21 Ruux.
Ugu dambeyn Guddigu waxaay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 304 Ruux 40 Qof ay ka bogsoodeen halka 21 qof ay u geeriyoodeen xanuunka.
Wasaaradda Caafimaada Maamul Goboleedka Galmudug ayaa dhankeeda shaacisay inay bilaawday baaritaan la xiriira dadka looga shakiyay Cudurka COVID-19 ee deegaannada maamulkaas ku sugan.
Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay inay baareen 110 Ruux oo kamid ah dadka Magaalada Cadaado,islamarkaana Cudurka laga helay 47 kamid ah kuwaasoo ay geliyeen xaalad karantiil ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhamaan deegaanada Galmudug uu Cudurka kusii faafayo, dowladda dhexana looga baahan yahay inay gurmad deg deg ah soo gaarsiiso.

 

Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaqdy gurmada deg deg ah oo la gaadhsiinayo dhamaan gobolada sis are loogu qaado la dagaalanka iyo xakamaynta cudurka Saamayntiisa aduunyadu xalka u leedahay ee Covid 19.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shir guddoomiyay Kulanka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19,kaas oo habeen walba si joogta ah loo qabto.
Shirka oo ku qabsoomay hab muuqaal Internet-ka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Caafimaad ee gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegaanada kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu cudurku soo ridanayo loona xakameeyo faafidda COVID-19 ee gudaha Soomaaliya.
Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxaay gurmad Caafimaad oo kala duwan ay gaarsiisay Gobolada dalka oo laga helay kiisas kamid ah Cudurka Coronavirus,sida Cadaado, Kismaayo, Jowhar, Magaalada Garoowe iyo deegaano kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here