DHAGEYSO:Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya hormarinta warbaahinta

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Mehmet Yilmas ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay dowladda Soomaaliya ka Caawinayso Hormarinta Warbaahinta dowladda iyo tababarsiinta howlwadeenada.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlada Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa Wasaaradda Warfaafinta wuxuu ku soo dhaweeyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliy waxayna labad Masuul ka wada hadleen iskaashiga Warbaahinta,dhaqanka iyo Dalxiiska ee labada dal ay doonayaan inay si wada jir ah isaga kaashadaan.
Cusmaan dubbe Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ugu Muhiimsan ee ay labada dhinac ka wada hadleen iyo qorshahooda iskaashiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here