DHAGEYSO:Soomaaliya oo laga diiwaangaliyay xaalado badan oo Covid 19 ah

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee Cudurka coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay laga diiwaangeliyay degaannada maamul Goboleedka Puntland.
War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in 5-tii maalin ee ugu dambeeysay Soomaliya la baaray Cudurka dad ay Tiradoodu Gaarayso 2,704 Ruux, isla markaana Cudurka COVID-19 laga helay 157 qof oo dad ugu badan ay ku sugan yihiin degaannada Maamulka Puntland.
Dadka Cudurka lag helay waxaay ku kala nool yihiin, Puntland 134 Ruux, Soomaaliland 20 qof, Galmudug 1 qof halka laba Ruux ku sugan yihiin Gudaha Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaaay kala yihiin 98 rag ah iyo 59 Dumar ah, waxaana Cudurka ka bogsaday 64 qof mana jirin wax dhimasho ah oo Soomaaliya ka dhashay Cudurka Coronavirus Todobaadyadii la soo dhaafay,waxaana tirade Guud ee dadka Soomaaliya laga helay COVID-19 ay hada gaartay 3,745.
Dhanka kale Xaflad lagu dhiirigalinayay dhaqaatiirtii la tacaashay Covid-19 ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay dhakhaatiir,Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulka Hotelka Guryo Samo oo xafladaan soo agaasimay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here