DHAGEYSO:Soomaaliya oo loo doortay Xubin Muhiim ah oo ka tirsan golaha guud ee QM

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaysatay inay noqoto Madaxweyne ku-xigeenka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay muda xilleedka 75-aad ee 2020/2021 doorasho ka dhacay golaha dhexdiisa.
Abuukar Cusmaan Baalle oo ah safiirka dowlada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa xilkaas loo doortay wuxuuna Mudo hal sano ah noqonayaa ku xigeenka Madaxweynaha golaha guud ee Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa.
Tallaabadan ayaa muujineysa doorka fir fircoon oo ay Soomaaliya ka gaartay siyaasadeeda arimaha dibada iyo iyo diblomaasiyadda Caalamiga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Soomaaliya Axmed Ciise ayaa isna bogaadiyay Guusha dalka Soomaaliya wuxuuna dhanka kale sheegay in ergada Soomaaliya ee Xafiiska QM ay gudbiyeen codsiga ay Soomaaliya ku dalbanayso u tartamida xubinimada Golaha amaanka ee QM Sanadaha 2023 iyo 2024.

33 Sano Kadib ayay Soomaaliya Markale ku guulaysatay kursiga ku xigeenka Madaxweynha QM waxayna arintaani noqotay Guul taariikhi ah oo Soomaaliya u soo hoyatay.
Horey waxay xilkan Soomaaliya u soo qabtay Sanadihii 1963-64 Dr oo uu hayay Xasan Nuur Cilmi,1979-1980 oo uu yahay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed M. Aadan “Qeybe” iyo ugu danbayn Sanadihii 1986-87 oo Xilkaan uu yahay Cabdullaahi S. Cismaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here