DHAGEYSO:Soomaaliya oo Natiijooyin wanaagsan ka gaadhay ciyaaraha Golfka.

Magaalada Qahira ee Caasimada dalka Masar ayaa lagu qabtay Ciyaaraha Golfka ee ururka Jaamacada Carabta waxaana Ciyaarahaan Sanadkii Afraad ka qaybgalaya Ciyaartow matalaya Qaranka Soomaaliya.
Sihaam C/rashiid Ibraahim Salama C/rashiid Ibraahim iyo Maxamed C/rashiid Ibraahim waa Sadex Walaalo ah aadna u da’yar waxay mudo Sadex Sano ah ka qaybgalayeen Ciyaarahaan iyagoo Matalayay Qarankooda Soomaaliya.
Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Golfka Macalin Cabdi Ibraahim Xuseen ayaa sheegay inay si isxilqaanka isku soo abaabuleen iyagoo mudnaanta Koobaad siinaya in calanka Qarankooda uu ka soo muuqdo Masraxyada ay isugu yimaadaan wadamada Dhaalaha leh maadaama Ciyaarahaan ay Ciyaaraan dalalka barwaaqo Sooranka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here