DHAGEYSO:Soomaaliya oo taageero u muujisey Shacabka Reer Falastiin

Kalfadhigii 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee maalmahanba ka socday Caasimadda Dalka Burkina Faso ee Aougadougou ayaa la soo gabeeyay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad dhinacyo Badan taabaneysa ka jeediyay Shirka ayaa waxa uu ugu horeyn khudbadiisa kaga hadlay xaaladda hada ka taagan Caalamka Islaamka.
Waxaa uu sheegay in ay sabab u tahay is qab qabsiga Dowladaha dhexdooda ah oo laf ahaanteeda laga faa’ideystay.
Sido kale waxaa uu xusay in la doonayo in qorsho lagula daggaalamo argagixisada si loo cirib tiro.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hoosta ka xarriiqay dhibaatooyinka muslimiinta haysta ay ka mid tahay in ay yihiin qaxootiga ugu badan caalamka ee maanta m arka loo eego dadyowga kale ka dib markii ay waayeen amni ay ku noolaadaan waxa keliya ee looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo qorshe mid ah oo la yeesho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mar uu ka hadlayay xaaladda dalka Falastiin waxa uu sheegay in dadka Reer Falastiin ay ku noolyihiin dhibaatooyin aan marnaba la aqbali karin ay tahayna in ka hadal keliya lagu soo koobin oo in ficil loo bedelo u baahan.
Dhibaatooyinka ayuu ku sheegay inay ka mid yihiin kuwa dhinacyada Bulshada,dhaqaalaha iyo sidoo kale xornimo la’aan .
Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay mar walba ay garab taagan tahay walaalaha Falastiiniyiinta ayna ku caawinayso sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ay leeyihiin gaar ahaan In lama taabtaan ay tahay In Qudus ay tahay Caasimadda Falastiiniyiinta.
Mar uu ka hadlay Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto kooxaha kasoo horjeeda waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal walba ku bixineyso ciribtirka argagixisada iyadoo kaashaneysa Dowladaha saaxiibada ay yihiin gaar ahaan kuwa dariska la ah.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay horumarinta Adeegyada bulshada iyo sidoo kale in Soomaaliya horumar Badan oo dhinacyo Badan leh ay ku talaabsaneyso.
Xoghayaha guud ee golaha shacabka soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa faahfaahinaya nuxurka qodobbadii ka soo baxay shirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here