DHAGEYSO:Soomaaliya oo u dabaaldagaysa 60 guurada ka soo wareegtay Xoriyadeeda

Guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya iyo wadamada kale ee ay ku sugan yihiin shucuubta Soomaaliyeed ayaa waxaa Maanta ilaa xalay ka jira dabaal dagyo kala duwan oo siyaabo kala gaar gaar ah loo dhigayo kuwaasoo lagu maamuusayo 60 guurada Qaranka Soomaaliyeed iyo helitaankii Xoriyada ee 1960 Midowgii gobolada Koonfurt iyo Waqooyiga dalka Soomaaliya.
Ra’uslwasaaraha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ku sugan wada Qatar Caasimadiisa Dooxa ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay Hambalyad munaasabadda 60 sano guuradii ka soo wareegtay xornimada gobollada koofureed ee dalka Soomaaliya iyo midnimadii labadii gobol ee waqooyi iyo koofur.
Ra’isulwasaare Khayre ayaa umada Soomaaliyeed u rajeeyay hormar iyo Barwaaqo inay ku gaaraan Sanadaha danbe wuxuuna sidoo kale kula dardaarmay inay dib u fiiriyaan halka ay Taagan yihiin 60 sano kadib qaranimadooda iyo halka ay xiligaan ku wajahan yihiin inta badan.

Ku simaha safiirka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ee dalka Jabuuti ayaa Dhankiisa Hambalyada ku aadan 1-da Luulyo la wadaagay Ummadda Soomaaliyeed isagoo ku sugan Xafiiskiisa Magaalada Jabuuti.
Ku simaha Soomaaliya ee dalka Jaubuuti ayaa u duceeyay dadkii naftooda ku waayay halgankii xornimo doonka ahaa isgoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo isku duubni dhexdooda ah.
Ku simaha ayaa ugu danbayntii Shacabka Soomaaliyeed ka raali galiyay inay joogsadeen shaqooyinkii ay Safaardu haysay sababo la xiriira cudurka Covid 19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here