DHAGEYSO:Soomaaliya oo xaqiijisay qofkii Sadexaad ee qaba Coronavirus

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisey in qofkii Saddexaad ee qaba Cudurka Coronavirus laga helay magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wasiir Fowsiya oo ka qeyb-galeysay Barnaamij ka baxayay Tv-ga Dowladda ayaa sheegtay in shalay gelinkii dambe lagu soo wargeliyey in Qof Ajnabi ah oo qaba Cudurka Coronavirus laga helay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirada ayaa tilmaamtay in qofka Ajnabiga ah laga helay Calaamada Cudurka,isla markaana haatan lagu karantiilayo Gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya abiikar Nuur ayaa ka hadashay labo Muwaadin oo Soomaali ah oo horey Cudurkaas looga helay,kuwaasoo ka kala yimid wadamada Shiinaha iyo Talyaaniga,waxaayna sheegtay in dalka uusan oolin qalabka wax lagu baaro,hayeeshee dibada ay u diraan qofka laga shakiyo.

Dhanka kale Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in qof kamid ah Shaqaalahooda oo qandaraasle ganacsade ah laga helay Caabuqa coronavirus (COVID-19),kaasoo ku sugan Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
War-Saxaafadeed kasoo baxey Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu sheegay in qofka la karantiiley siddeed maalmood ka hor baaritaan la sameeyeyna laga helay Cudurka,baaritaankaasna loo marsiiyey si loola socdo dhaq dhaqaaqiisa.
Warka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa lagu sheegay inay si dhab ah u qaadanayaan cudurka COVID-19 Faafidiisa adduunka, si dhab ahna usbuucyadii la soo dhaafay ay diyaariyeen hawlgallo, caafimaad iyo nidaamyo taageero oo ah suurtagalnimada in sidan oo kale ay dhacdo.
Waxayna intaaas ku dareen Ahmiyadeena ayaa ah inaan daryeelo qandaraaslaha iyo inaan ka hortagno faafitaan kale oo fayraskan ah.
Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay, iyadoo loo sii marinayo xafiiska maxalliga ah ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ay kala shaqeyneyso mas’uuliyiinta Soomaaliya sidii loo diyaarin lahaa nidaamyada caafimaad ee dalka oo dhan si loo xakameeyo loona yareeyo wax kasta oo faafinaya Cudurka COVID 19.
War-Saxaafadeedka kasoo baxey QM ayaa waxaa uu daba socdaa,kadib saacado ka hor markii Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ay shaacisey in qofka qaba Cudurka Coronavirus laga helay Gudaha xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin hay’adaha UN-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here