DHAGEYSO:Taariikhda kama dambeyska ee lagu beddelanayo 1000-ka shilin ee dalka oo maanta ku beegan

Waxay maanta ku beegan tahay taariikhda kama dambeyska ah ee ay dowladda dhexe u qabatay shacabka inay ku beddeshaan lacagta 1000-ka shilin ee wadanka laga isticmaalayay ka hor 1-dii bishii lixaad ee sannadkan.
Dadweynaha ayaa laga doonaya inay ka faaiidaystaan saacadaha haray ilaa saqda dhexe ee caawa si ay u qaataan kunka cusub ee dalka.
Madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK Dr. Patrick Njoroge ayaa weli ku adkeysanaya inaan muddo kordhin la sameyn doonin isagoo farriinta uu shacabka u dirayo sidatan u dhigay.

 

Waxay tani micnaheedu tahay in qofkii uu waqtiga ka dhaco isagoo aan beddelan 1000-ka shilin, laga billaabo 12-ka habeenimo ee caawa aynan wax qiimo ah u lahaan doonin oo ay la mid noqonayso sida warqad guriga kuu taalla.
Kenyaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay dadaal ku bixinayay inay lacagta beddeshaan si saameyn aan wanaagsaneyn aynan ugu yeelan iyadoo deegaanada qaar laga soo sheegayo in ganacsatada aynan qaadaneynin kunkii hore.
Waxaa gudaha dalka hadda laga isticmaala lacago cusub oo si casri ah loo naqshadeeyay sida 1000, 500, 200, 100 iyo 50 shilin.
Dowladda ayaa sheegtay in soo saaridda lacagtan looga gol lahaa in lagu tallaabsado horumar dhanka dhaqaalaha ah sido kalena lagula daggaalamo adeegsida lacagta faaliska ama been abuurka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here