DHAGEYSO:Tababaraha Kipchoge oo raja weyn ka qabo in cayaaryahanka uu guulaysan doono

Waxaa la filayaa in berri oo sabti ah magaalada Vienna ee dalka Austria uu ka qabsoomo orotan taariikhi ah.
Cayaaryahanka wadanka u dhashay ee Eliud Kipchoge iyo tababarihiisa ayaa labaduba muujinaya kalsooni buuxda oo ah inay guul u soo hooyan doonto.
Mr. Kipchoge ayaa sheegay in iskudayga ku aaddan inuu muddo 2 saacadood ah ordo aynan ahayn mid ku saleysan u hanqaltaag dhaqaale balse uu ku dhiirigelinayo jiilayasha mustaqbalka.
Orodkan ayaa loo yaqaanaa INEOS 1:59 waxaana daawan doono boqolaal milyan oo qof oo ku nool dacallada caalamka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku sugan magaalada Vienna, dareenkiisa iyo rajada uu qabo ayuu sidatan u muujiyay

 

Waxaa maalmihii la soo dhaafay gudaha wadanka ka jiray taageero ay shirkado iyo shacab u muujinayaan cayaaryahanka.
Qaar ka mid ah shacabka Kenyaanka ayaa sidatan u dhigay dareenkooda ku aaddan rajada ay qabaan

 

Wasiiradda wasaaradda cayaaraha Amina Maxamad ayaa Eliud Kipchoge ku tilmaantay astaanta midnimada dalka.
Waxay hoosta ka xarriiqday inuu wax ka beddelayo taariikhda oo uu caalamka u muujinayo in qof kenyaan ah uu guulaysan karo.
‏Sido kale waxay carrabka ku adkeysay inay aad u rajeynayaan inuu Kipchoge guul aad u qiimo badan u soo hooyo dalka.
Eliud Kipchoge ma u suurtageli doontaa inuu furo xujada loogu magacdaray ineos159challenge, oo uu 17:08 ilbiriqsi gudahood uu ordo 100 miitar waan wada sugeynaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here