DHAGEYSO:Tagaasileeyda gobolka Bari oo awaamiir lagu soo rogay

Taliska Ciidamada booliiska goblka Bari ee maamulka Puntland ayaa soo saaray awaamiir ku socota wadayasha gaadiidka iyadoo lagu amray inay iska hubiyaan socdaaladaha banaanka ah ee ay u baxayaan,kuwa gudaha Magaalada Boosaaso iyo dadka ay qadayaan labada Marba
Taliyaha Ciidanka booliiska gobolka Bari oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gaadiidka ay dadku kiraystaan ee yar-yar dhibaato lagu geysan karo sidaas darted wadayaasha gaadiidkaas ayuu faray inaysan qaadin cid aysan ogeyn halka ay ku wajahan tahay iyo waxa uu yahay qofkaasu.
Dhinaca kalana waxa uu tilmamaay in ciddii u hogaamsami wayda markaas tallaabo shari ah laga qaadayo hase’ahate ay si gaar ah masuuliyad iskaga saaraan arintaan wadayaasha gaadiidka kala duwan eek a howlgalada deegaanada gobolka Bari ee maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here