DHAGEYSO:Taliska AMISOM oo ku baaqay in la Xoojiyo dagaalka shabaabka ka dhanka ah

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya (AMISOM), Diomede Ndegeya, ayaa kormeer howleed ku tagey fariisimada ciidamada AMISOM qeybta 5-aad, ee ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle sidoo kalena ah Caasimada gobolka shabeellada dhexe.
Booqashadaan ayaana qeyb ka ah qorsheyaasha isbarasho ee uu ku marayo dhammaan lixda waaxood ee Ciidamada AMISOM.
Ciidamada Burundi oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa gacanta ku haya qaybta 5-aad oo xaruntoodu tahay magaalada Jowhar, halkaasoo xarun u ah dowlad goboleedka Hirshabelle, oo qiyaastii 90km u jirta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa madaxda Ciidamada AMISOm kala hadlay dardargalinta waxqabadka ciidamada iyo ka qeybqaadashada dadaalka loogu jiro soo celinta nabadda Guud ahaan Soomaaliya,ka hortagga weerara Al-Shabaab iyo kasaarida deegaanada ay wali kaga sugan yihiin qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Dhanka kale howgalka ay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Booliska Hirshabeelle Saaka Waabarigii hore ka Sameeyeen Xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo qab qabtay ugu yaraan 40 dhalinyaro oo ka mid ah kuwii halkaas ku noolaa.
Howlgalka ay Maanta Magaalada Jowhar ka fuliyeen ciidanka kumaandoos Soomaaliya ayaa ku soo aadaya Xili dhawaan Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Canad Axmed Ciise ay Ciidanka Qalabka Sida ugu baaqday inay Galaan Guryaha Magaalada Jowhar si ay u soo saaraan waxa ay ugu yeertay gutaanka ku jirta Jowhar oo dhiiga dadka cabaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here