DHAGEYSO:Taliska booliska Soomaaliya oo Boosaaso gaaray

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliy Cabdi Xassan Maxamed Xijaar iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo toddobaadyadaan Socdaal ku Marayay gobolada dalka ayaa Gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.
Taliyaha iyo Saraakiisha kale ee la socda ayaa kormeeraya Magaalooyinka Maamul goboleedyada ee loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya waxayna Magaalada Boosaaso ka mid tahay Meelaha ay doorashada baarlamaanku ka dhacayso ee deegaanada Maamulka Puntland sidoo kale horay ayuu Taliyuhu u soo Maray Magaalada Garowe oo ayadana ay doorashadu ka dhacayso.
Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen Saqdiiq oo wafdiga Taliyaha Booliska Qayb ka ah ayaa ka warbixiyay Socdaalkooda ay ku Marayaan Magaalooyinka Maamul goboleedyada hadana ay ku Joogaan Deegaanada Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here