DHAGEYSO:Taliska booliska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay booqashadiisa Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa faahfahain ka bixiyay booqasho uu shalay ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koofur galbeed, waxayna halkaas u tageen qiimaynta amniga deegaanada Koonfur Galbeed iyo baahiyaha Booliska.
Jeneraal Xijaar ayaa sheegay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska Federaalku ku samaynayo deegaanada Maamul goboleedka Koonfur Galbeed, si loo ogaado heerka diyaar garowga suggidda amniga doorashooyinka heer Federaal ee dalka ku soo fool leh iyo dejinta qorshaha horumarineed Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sannadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here