DHAGEYSO:Taliska booliska Soomaaliya oo xalay kormeeray baro Kontoroolada ciidanka

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo saraakiil kale ayaa waxay xalay kormeer ku tageen Baro koontoroolo gaadiidka lagu baaro, kaasoo dowladda Soomaaliya ay ka sameysay meelaha laga soo galo Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Baraha koontoroolada ayaa waxay yihiin goobihii dhawaan dowladda Soomaaliya ay dhagxaanta ka qaaday, kuwaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamo Boolis ah oo gaadiidka ku baaraya.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay booqdeen ilaa 15 Baro-koontoroolool oo ku yaalla inta u dhaxeysa Bariga Magaalada Muqdisho ee dhanka degmada Kaaraan ilaa Galbeedka Muqdisho oo ah dhanka degmada Kaxda.
Waxaa uu sheegay Taliyaha in u jeedka kormeerkooda uu ahaa inay ogaadaan sida ay Ciidamada Booliska u sugayaan Amniga Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in dadka Shacabka ay soo dhaweeyeen furitaanka waddooyinka Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si kala gooni gooni ah ula kulmay saraakiisha ku sugan Baraha koontorool, waxaana uu ka dalbaday in dadka Shacabka ah aan la dhibin, isla markaana loo fududeeyo marista wadooyinka.

13-kii Bishaan ayaa dowladda Soomaaliya waxay muqdisho ku qabatay munaasad lagu furayay waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana Ciidamadii halkaas ku sugnaa loo raray bariga, Galbeedka iyo Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo ah Meelaha Magaalada laga soo galo.
Dhawaan waxaa jirtay cabasho gaadiidleyda qaar kasoo yeereysay, kuwaasoo sheegayay in waddooyinka dhagxaanta laga qaaday Ciidamada ku sugan ay gaadiidka weeydiinayaan lacag ay wadada ku marayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here