DHAGEYSO:Taliska ciidanka xasilinta caasimadda galmudug oo ka hadlay doorashadii ahlusunna .

Taliska ciidamada xasilinta caasimadda galmudug ayaa laba maalin ka dib ka hadlay hawlaha la xiriiray amniga doorashada galmudug
Gaashaanle cabdulaahi xasan cali oo ah taliyaha saldhigga booliiska dhuusamareeb sidoo kalana ah taliyaha ciidanka xasilinta caasimada galmudug ayaa idaacadda star fm u sheegay in si weyn ugu guuleeysteen sugidda amniga intii ay socdeen hawlihii doorashooyinka ee galmudug waxaana uu sheegay in arintaasi ay u sahashay bulshada oo duur muuqda ka qaatay adkeeynta amniga caasimada galmudug

Gaashaanle cabduulaahi xasan cali waxaa uu dhanka kale sheegay in madaxweynaha cusub ee galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor uu la kulmay shalay gelinkii danbe saraakiisha ciidamada kala duwan ee galmudug isaga oo ciidamada uga mahadceliyey shaqadii ay soo qabteen isla markaana ku booriyey sii adkeeynta amniga gaar ahaan caleemasaarka madaxda cusub oo isaga uu ugu horeeyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here