DHAGEYSO:Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo faahfaahiyay deegaanda ay dagalada kula Galeen Al-shabaab =

Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee xoogga dalka Soomaaliya kana howlgalla deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay inay ururka Al-Shabaab deegaano badan oo ka tirsan Gobolada Baay & Bakool kula dagaalameen,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay fashiliyeen weeraro ay Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaannada,Buur eyle,Walag iyo Xawaal Barbaar deegaannadaas oo uu sheegay inay horey dadka ugu dhibaateyn jireen Al-Shabaab.
Sidoo kale Taliyaha ayaa intaasi ku darey in tira dhowr jeer ah ay Al-Shabaab kasoo furteen Xoolo ay dad Shacba ah si awood ah uga qaateen iyo hub farabadan,waxaana uu xusay in howlgalka ka dhanka ah shabaabku uu wali sii socon doono.

hadalka Taliyaha qaybta 60-aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa kusoo aadayaa xilli dhowr jeer ay Al-Shabaab weeraro ku qaaden Saldhigyo Ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaano ka tirsan Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here