DHAGEYSO:Taliska Ciidanka Xoogga oo digniin u diray Maleeshiyad ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Taliyaha ururka 15 ee qaybta 21 ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen Mascuud Maxamed Warsame ayaa digmiin u diray Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka hiiraan gaar ahaan dhanka xadka gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaadkaan ayaa ku dagaalamay deegaano ku dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaana la kala dhex dhigay ciidamada dowlada Soomaaliya.
Taliye Mascuud ayaa sheegay inay lagama maarmaan Tahay inay Nabad ku wada noolaadaan shacabka ku nool deegaanada Xagar iyo laancadaad waxkastoo khilaaf ahaa oo dhacayna la iska iloobo.
Taliye Mascuud wuxuu hoosta ka xariiqay in qofkasta oo deegaanadaad dhibaato ka gaysta sharciga la horkeenayo isagoo ugu baaqay in la joojiyo dirirtaa foosha xun ee soo laalaabatay wuxuuna sheegay in qofkii ka tirsan Maleeshiyaadkaan oo deegaankaas lagu arko isagoo hub wata ay kala wareegi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here