DHAGEYSO:Taliska Ciidanka Xoogga oo Talaabooyin ka qaaday Ciidan ka qayb qaatay dagaal beeleedyo

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ee deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay inay wax ka qabteen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka qeyb qaadan jirey dagaal beeleedyada ka dhaca deegaanada Maamulkaas.
Waxaa uu sheegay intii aan xilka Taliyaha qeybta 60aad loo dhiibin ay jireen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo ka qeyb qadan jirey dagaal beeleedyada,hayeeshe arrintaasi la xakameeyey oo la sameeyey wacyi gelin dhinaca Ciidanka ah sidoo kalena lagula Xisaabtamay askarta falalkaas ku howlaneed.
Taliyaha ayaa sheegay inay jireen Ciidamo ka dhega adeegay Amaro kasoo baxey saraakiisha Sar sare ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida,oo ka qeyb qaadanayay dagaalka Beelaha,hayeeshee ay Xabsiga dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here