DHAGEYSO:Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo digniin u diray dadka isticmaala Darayska Ciidanka

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen Odawaa Yusuf Raage ayaa digniin adag u diray Cidkasta oo isticmaasha dhaqarka ciidamada qalabka sida ama ku buufiya baabuurtooda astaanta Ciidamada qaranka ee Qalabka sida,kuwaasoo uu sheegay inay mararka qaarkood siyaabo qaldan u isticmaalaan.
Gen Odawaa Yusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya wuxuu tilmaamay inay dadka Gawaaridooda ku buufiya astaanta Ciidanka Xoogga hadii aysan ka waantoobin arintaas ay gaadiidkaas kala wareegi doonaan sidoo kalena kuwa xirta darayska Ciidanka ayagoon ka tirsanayn Ciidamada Xoogga Maxkamad ay soo taagi doonaan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sidoo kale sheegay in Talaabo adag laga qaadi doono kooxaha iyo Maleeshiyaadka deegaanada kala duwan dhigta isbaarooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here