DHAGEYSO:Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo faahfaahiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee Jubooyinka.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal xoogan oo in ka badan laba maalmood Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo Ururka Al-Shabaab ku dhexmareyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha ciidanka Danab ee deegaanada Maamulka Jubbaland ka howl gala Gaashaanle Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi ayaa sheegay in dagaalka oo ka dhacay aagagaarka degmada Jamaame,sida deegaanka Bangeeni iyo deegaano kale khasaaro lagu gaarsiiyey dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay inay Al-Shabaab ka dileen 12 xubnood,sidoo kale ay Ciidamada DANAB la wareegeen tuulooyin dhowr ah ay ka mid yihiin,Koban Bangeeni iyo Baladul Raxma deegaanadaasi oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jubbada Hoose horayna ugu jiray gacanta shabaabka balse Milatariga Soomaaliya awood kula wareegeen.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka Danab ee ka howlgala deegaanada maamulka Jubbaland Gaashaanle Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi waxaa uu intaas ku darey in laba duqeyn oo dhinaca Cirka ah lala beegsadey Xarumo ay Al-Shababaab ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose,isla markaana Gaadiid looga gubey sidoo kalena xubno looga dilay.

Hadalka Taliyaha DANAB Wuxuu imaanayaa ayadoo War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee ku sugan qaarada Afrika ee (AFRICOM) lagu faah faahiyey duqeymaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanku ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada DANAB ay 19- Bishaan Janaayo oo shalay ku beegneyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka degmada Bangeeni ee gobolka Jubbada hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Saddex xubnoon oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana u jeedkiisu uu ahaa inay uga hortagaan weerarada ay markasta Shacabka la beegsadaan Al-Shabaab,sida uu sheegay Agaasimaha howlgalka, Taliska Mareykanka ee Qaraada Afrika Gen. William Gayler.
Sidoo kale Mareykanka waxaa uu sheegay inay qiimeyn iyo baaritaan ay ku sameynayaan inay weerarkaasi waxyeelo kasoo gaartay dad Rayid ah.
Mareykanka ayaa sanadkaan si lamid ah sanadkii tegay ee 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here