DHAGEYSO:Taliska Ciidanka xoogga soomaaliya oo ka hadlay howlgalka Sh/Hoose

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay howlgallada Ciidamada dowladda maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay kula wareegeen degaanka Janaale.
Waxaa uu taliyuhu xusay in kaliya Gobolkaas aan howlgallada laga fulin doonin balse Ciidanka dowladda Soomaaliya ay dhamaan Gobolada dalka ka fulin doonaan howlgallada ilaa iyo inta ay ka saarayaan Al-Shabaab.
Sido kale waxaa uu Odowaa hoosta ka xarriiqay in howlgalkii ugu dambeeyey oo ay Ciidamada Dowladda soomaaliya ka sameeyeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose guulo waaweyn laga gaaray ayna sii socon doonaan.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ay dagaal kula wareegeen deegaanka Janaale,halkaas oo in ka badan lix sano ay maamulayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here