DHAGEYSO:Taliska Milatariga Soomaaliya oo go’aamo soo saaray.

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 60aad ayaa soo saaray digniin ku socota qaar ka mid ah Ergada soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo kuwa maamulada tasoo ku saabsan inaysan u hogagansami Karin Amarkii dhawaan kasoo yeeray Al-Shabaab ee xubnaha erkadaasi looga yeeray deegaanada ay joogaan xooggaga Al-shabaab.
Taliyaha Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 60aad eek u sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Timacadde) ayaa sheegay in qofkasta oo amarka Al-Shabaab qaata ee aada deegaanka Buula Fuuley oo ay ugu yeereen uusan kusoo laban Karin deegaanada maamulka Koonfur galbeed oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Ergaygii fuliya Amarka Al-Shabaab ee taga deegaannadii looga yeeray uu yahay dambiile,isla markaana Shaciga la horgeyn doono, isagoo ergada uga digay inay la macaamilaan Al-Shabaab.

 

Hadalka Taliyaha Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee qeybta 60aad ayaa kusoo aadaya xilli Al-Shabaab War kasoo baxay ay ku sheegeen in ergdii ugu badneyd ay qaateen amarkooda,isla markaana ay tageen deegaanada ay maamulaan oo kalhore ay ka dalbadeen inay yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here