DHAGEYSO:Taliyaha guud ee booliska dalka oo amray in la soo xiro labo ka mid ah siyaasiyiinta Murang’a

Abaanduulaha ciidamada booliska Kenya Mr. Hillary Mutyambai ayaa soo saaray amar xabsiga loogu taxaabaya xildhibaanada deegaanada Kandara iyo Kiharu ee ismaamulka Murang’a kaddib rabshado shalay dhacay.
Afhayeenka booliska dalka Mr. Charles Owino ayaa arrinkan ku xaqiijiyay bayaan uu warbaahinta la wadaagay.
Waxaa uu xusay inay khasab tahay in la xiro Alice Wahome iyo Ndindi Nyoro oo lagu eedeyay inay qorsheyeen qalalaasihii labada qof ay ku dhinteen in kalena ku dhaawacmeen.
Bayaanka booliska waxaa sido kale lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay dabagal ku haayaan baabuur lagu soo qaaday dhalinyaro dhibaatooyin gaystay.
Dhanka kale ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa falkaas si kulul u cambaareeyay wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in kala duwanaansho siyaasadeed ay ka dhalato khasaaro nafeed.

Sido kale abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa sheegay in la billaabay baaritaanada ay sameynayaan waaxyaha arrimaha gudaha ee booliska iyo dambi baarista.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay ku dadalayaan sidii loo ogaan lahaa sababta keentay rabshadihii shalay ka dhacay Kenol oo ka tirsan ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka si loola xisaabtamo cidii ka dambeysay.

Siyaasiyiinta ayaa dhanka kale looga digay jeedinta hadallada iyo ku lug lahaanshaha falalka wax u dhimaya xasiloonida iyo midnimada shacabka.
Xildhibaanadda deegaanka Kandara Alice Wahome oo ka mid ah siyaasiyiinta la doonayo in la xiro ayaa ciidamada booliska ku eedeysay inay ka dhaga fureysteen wicitaanadeeda xilli ay doonaysay inay gudbiso warbixin ku saabsan inuu jiro qorsho lagu carqaladeynayo kulan shalay loo ballansanaa.
Rabshadaha ayaa ka dhashay isku dhac dhex maray labo kooxood oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda xilli ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta taabacsan ay ku sugnayeen dowlad deegaanka Murang’a.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in xildhibaanada kala ah Ndindi Nyoro iyo Alice Wahome laga doonayo inay maanta iska xaadiriyaan xafiiska waaxdan ee gobolka bartamaha dalka gaar ahaan magaalada Nyeri si su’aalo looga weydiiyo dhibaatadii ka dhacday ismaamulka laga soo doortay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here