DHAGEYSO;Tallaal ka dhan ah cudurka Dabeysha oo laga sameynayo Nairobi

Waxaa maanta xaafadatani islii ee deegaanka Kamukunji , magaaladatani Nairobi lagu qabtay kulan diiradda lagu saarayay arrimaha caafimaadka iyo sida bulshada loogu wacyigelin karo.
Shirka ayaa ahaa mid ku aaddan tallaal ka dhan ah cudurka Dabeysha oo uu qorshuhu yahay in inta u dhexeysa 20-ka ilaa 24-ka bishan toddobaad lagu qabto caasimadda dalka.
Mas’uuliyiinta deegaanka Kamukunji u qaabilsan horumarinta adeegyada caafimaad ayaa bulshada ugu baaqay inay ololahan si weyn uga qeyb qaataan si carruurtooda ay u helaan tallaal xanuunkan ka hortag u noqonaya.
Qaar ka mid ah saraakiisha kulanka maanta ka qeyb galay oo idaacadda star fm faahfaahin ka siiyay qodobadii ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here