DHAGEYSO:Tirada dadkii ku dhintay dagaalkii xabsiga dhexe oo korortay

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in ay korortay Khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Cabdiqani Maxamed Qalaf oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in weerarkii shalay ka dhacay Xabsiga dhexe ay ku dhinteen 19 qof 7 kalana ay ku dhaawacmeen.
Waxa uu sheegay dadka dhintay in 15 ka mid ah ay Maxaabiis ahaayeen 4 kalana ay Askar ahaayeen.
Waxaa uu sheegay in tirada dadka ku dhintay weerarkii ka dhacay Gudaha xabsiga ay sii kordhi karto maalmaha soo socda, maadaama ay jiraan dhaawacyo ku jira Isbitaallada.
Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa waxaa uu tilmaamay in xaaladda xabsiga haatan ay tahay mid degan, isla markaana la aasay maxaabiistii halkaas ku geeriyootay, ayna howlihii xabsiga si caadi ah dib ugu soo laabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here